Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Arbacadii maanta la kulmay Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka soo laabtay socdaal rasmi ah oo uu ku tagay dalka Masar.
Ra’iisul Wasaaraha oo kulamo wadatashi ah maalmahan la lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa uu uga xog warramay Madaxweyne Xasan Sheekh halka ay marayso hawsha dhisitaanka xukuumad tayo leh oo ka jawaabta arrimaha mudnaanta u leh horumarinta bulshada Soomaaliyeed.
Mr Barre ayaa ku guda jira daddaaladiisa u dambeeyay ee magacaabista golihiisa wasiiradda, iyadoo dhawaan golaha shacabka ay ugu dareen mudo 10 cisho ah oo uu ku soo dhiso wasiiradda, maadaama ay ka dhamaatay muddadii 30ka maalin eheyd:
Tobanka cisho ee ra’iisul wasaaraha loogu daray ayaa waxay ku eg tahay 4ta bisha soo socota ee August.


Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





