Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

RW Xamse oo maanta u ambabaxay dalka Masar

Muqdisho (HalQaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Axadda maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda dalka Masar.

RW Xamse Barre ayaa booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex cisho ah ugu ambabaxay magaalada Qaahida ee dalka Masar, sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Ra’iisul Wasaaraha.

Xamse iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Qaahira, wada hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee walaalaha ah waxa ay la yeelan doonaan madaxda waddanka Masar.

Safarka uu maanta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre uu ku qaaday dalka Masar ayaa waxaa ku wehlinaayay Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda  Faarax Sheekh Cabduqaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...