Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

RW Xamse oo Amar deg-deg ah siiyay Golaha Wasiirrada iyo Shaqaalaha DF Somaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi barre ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda in qeyb kamid ah lacagaha Gunada ah oo ay qaataan Xubnaha Golaha wasiirrada iyo Shaqaalaha joogtada ah in laga jaro si loo isticmaalayo howlaha dib u xorreynta dalka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo loo diray Wasaaradda Maaliyadda DF ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu amray Wasaaradda in lacagaha Gunada ah oo ay qaataan Xubnaha Golaha wasiirrada laga jaro 20%, sidaas oo kale Shaqaalaha joogtada ahna laga jaro 5%, iyada oo aan la shaacin cidda maamuleysa lacagtaas.

Sidoo kale, warqadda ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu soo gebagabeeyay in la rajeynayo Wasaaradda Maaliyadda in sida ugu dhaqsiyaha badan ay fuliso Amarkan.

Ugu dambeyn, Wararkale ayaa sheegaya, in qorshahaan uu ka yimid dhinaca Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana ra’iisul Wasaaraha oo fulinaya amarka Madaxweynaha uu amarkaasi siiyay Wasaaradda Maaliyadda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...