Friday, April 10, 2026
29.4 C
Mogadishu

Wasiirka amniga oo loogu magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nur

Muqdisho(Halqaran.com) –  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhow oo Caawa ah xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Wasaaradda amniga Xasan Xundubey Jimcaale.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa xilka Wasiirka amniga loogu magacaabay inuu noqdo Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, isagoo bedelaya Wasiirkii hore ee amniga Xasan Xundubey.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyay Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.

Khilaafka u dhexeeya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray heekii ugu xumaa, kaasi oo ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la sheegay in la dilay.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

SNA and allied forces kill 40 al-Shabaab fighters in...

At least 40 al-Shabaab fighters have been killed and over a dozen wounded in the government force...

Ciidanka NISA ee Jubbaland oo qabtay...

Kismaayo (Halqaran.com) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland ( NISA) ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka wada...

Midowga Murashaxiinta oo ka hadlay Dadkii Laga Soo Saaray...

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Midowga Murashaxiinta oo si Adag ugu soo horjeestay shacabka Soomaaliyeed ee laga soo musaafuriyay...