Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Dalka Mahadi Maxamed Guuleed.
Kulanka ay wadayeesheyn masuuliyiintaan ayaa ku saabsanaa xal u helista qilaafka iyo madmadowga ka dhexjiray Doorashooyinka Goballada Waqooyi kaas oo ay isku heystaan Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo RW ku xigeenka Dalka.
War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in Rooble uu dhammeeyay madmadowgii soo kala dhex galay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, iyadoo la isku afgartay in ay si wada jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhammeystirka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland.
Maalmo ka hor ayey aheyd markii Cabdi Xaashi, Boqor Buurmadow iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa ku dhawaaqeen inay ka baxayaan doorashada Golaha Shacabka, iyagoona Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyay inuu boobayo doorashada, waxaana eedeynta ka jawaabay garabka Mahdi Guuleed.
Waan waantaan uu garwadeen ka ahaa RW Rooble  ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Ku xigeenka Aqalka Sare Senator Abshir Buqaari, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS Cabdirahmaan Yuusuf Al-cadaala iyo Xil Mahad Salaad.
Sidoo kale dhowr jeer oo hore ayey sidaan oo kale khilaaf u soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaasi oo salka ku haayay Arrimaha doorashada Somaliland inkasta oo maanta Rooble soo afjaray Khilaafkii ugu dambeeyay ee soo kala dhaxgala.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.comÂ