Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kulan ku saabsan arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo fursadaha Maalgashi ee ka jira dalka la yeeshay xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska.
Dowladda Farasiiska ayaa qeyb ka tahay dalalka la isku yiraahdo Paris Club ee deyn cafinta Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka Deyn_Cafinta oo hadda meel gabagaba ah maraya.
Faransiisku waa taageere muhiim ah oo si wanaagsan dowladda Federaalka Soomaaliya uga la shaqeeyay dib-u-habaynta, horumarinta dhaqaalaha iyo Geedi socodka barnaamijka Deyn Cafinta ayuu yiri” Wasiir Beyle.
Abdifatah Hassan Hussein
Xafiiska Wararka Halqaran, Marka
Halqarannews@gmail.com





