Muqdisho(Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan isku yeeray Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ku midaysanyihiin Wasiirka 1aad ee xukumadda, madaxda dowlad-goboleedyada dalka iyo gudoomiyaha gobolka Gobolka Banaadir.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka 1aad ee xukumadda shirkaan ayaa furmaya 27-ka bishan December, 2021, waxa uuna ka dhici doona magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Sido kale Waxaa kale oo shirka diirada lagu saari doonaa dardar gelinta geeddi socodka, toosinta iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka.
Shirka uu Ra’iisul Wasaaraha isugu yeeray Golaha wadatashiga Qaran ayaa kusoo beegmaya xilli cabasho badan ay ka timid doorashooyinka Golaha Shacabka
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





