Munaasabada Sanad Guuradii 78-aad ee Aas aaskii Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo maanta loo dabaal degay.

Dhuusamareeb(Halqaran.com) – Munaasabad lagu maamusayo Sanad Guuradii 78-aad ee Aas aaskii Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug waxaana ka Qaybgalay Saraakiil Saraakiil Xigeen katitsan Ciidanaka Boliiska Soomaaliya kuwa oo halkaa ku soo bandhigay Dhoolatus Ciidan.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Qaybta Galmudug Gaashaanlle Sare Qaliif Cabdulle Maalin ayaa Ciidamada u Diray Hambalyada Munaasabada sanad guuradii 78aad ee aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,isagoona xusay in Booliisku yahay laf dhabarta Ciidamada Qalabka sida.

Sanadkii 1943-diii ayeey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan Boliis ah oo xilligaasi loo arkaayey in uu yahay midka ugu faca weyn ,isla markaana lagama maarmaan u ah aasaaska dowlad Soomaaliyeed oo ka mid noqota beesha caalamka.

 

Inkastoo aasaaska iyo dhismaha ciidamada la bilaabay xilligaasi,haddana waxaa jiray ciidamo Soomaaliyeed oo soo shaqeeyay xoriyadda ka hor,gaar ahaan waqtiyadii ay jireen maamuladii gumeysiga Ingiriiska iyo Talyaaniga ee kala qeybsaday geyigga.

Maanta oo ay ku beegantahay 20- December waxa Guud ahaan dalka loga dabaal dagaa xuska Aaska-aaska Ciidanka Booliika,waxana Muqdisho iyo gobalada dalka qaar ka socdo xaflad lagu weyneynaayo maalintaan.

 

Inkastoo bur-burkii ka dhacay dalka 1991-kii ee ay horseedka ka ahaayeen qaar ka mid ah hoggaamiyiyaasha Soomaalida uu saameyn ku yeeshay ciidamada ,haddana laga soo bilaabo  sanadihii 2000-2004tii, waxaa lagu guuleystay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay  dhallinyaro  cusub oo dhiirigeliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com