Monday, November 23, 2026
27.9 C
Mogadishu

Waa sidee Caawa Xaalada Magaalada Boosaaso oo ay Dagaalo culus ka Socdeen.

Boosaaso(Halqaran.com) –Dagaalka ka socday Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ayaa Qaboobay Caawa inkastoo wali  la maqlayo  dhawaqa  rasaas ay isku adeegsanayaan labada dhinac eek u dagaalamaya Boosaaso.

 

Dagaalka oo Saaka billowday ilaa haddana socda ayaa waxaa uu u dhexeeya Ciidan ka amar qaata Maadxweynaha Maamulkaasi Siciid Cabdulalahi Deni iyo Ciidanka PSF ta Puntland.

 

Dagaalkan ayaa imanaya kadib muran tododbaadyo u dhexeeyay maamulka Puntland iyo taliska PSF kaasi oo ka dhashay markii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu xilkii ka qaaday taliyaha ciidanka PSF Sarreeye Guuto Maxamuud Cusmaan Diyaano 24-kii Noofember. Taliyaha ayaa diiday xil ka qaadistiisa, taasi oo keentay is horfadhi ka bilowda magaalada Boosaaso.

 

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka ay barbar socdeen duqeymo, iyadoo madaafiic gaaraya illaa 20 ay ku dhaceen xaafado kala duwan, oo ku dhaw xarunta taliska PSF, waxaana ka dhashay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Khasaaraha illa hadda ay xaqiijiyeen Isbitaallada Boosaaso ayaa ah 21 dhaawac ah, oo 14 ciidan ah, iyo 4 dhimasho ah, oo kala ah 1 PSF ah, 2 ciidanka daraawiishta Puntland ah iyo 1qof oo shacab ah.

 

Shacab badan ayaa maanta magaalada ka barakacay, kuwaasi oo gaaray hareeraha Boosaaso, waxaana ay wajahayaan xaalad nololeed, maadaama ay ka soo baxeen guryahoodii.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii u dambeeyay Baydhaba joogay ayaa Galabta dib ugu laabtay caasimadda Garoowe.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...