Thursday, July 16, 2026
26.2 C
Mogadishu

RW Rooble oo shir guddoomiyay Shirka golaha Wasiirrada ee Jubbaland +(SAWIRRO)

Kismaayo (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo,  xarunta KMG ah ee Dowlad-goboleedka Jubaland.

Shirka oo ay ka qeyb galeen madaxweynaha Jubaland iyo Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ee Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarkiisa Jubaland, ayaa looga hadlay qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin; Wadashaqeynta Wasaaradaha XFS iyo kuwa Dowlad-goboleedyada,  Dardargelinta mashaariicda  horumarineed ee dowladd ka hirgelineyso Jubaland,  doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta, Arrimaha bani’aadminimada Amniga iyo  la dagaallanka argagixisada.

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu warbixin ku saabsan howlaha wasaaradahooda iyo caqabadaha haysta ka dhageystay wasiirrada Jubaland, waxa uuna faray in  Wasiirrada Federaalka in ay kulammo yeeshaan kuna lafa guraan sidii  looga caawin lahaa xallinta wixii caqabad ah ee jira” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee XFS Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddu ay xoojin doonto mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo Dowlad-goboleedka Jubaland, isagoo faray wasaaradaha heer federaal in ay si dhow ula shaqeeyaan wasaaradaha Jubaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...