Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir la yeeshay taliyeyaasha hay’adaha ammaanka dalka iyo ciidammada AMISOM.
Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga guud ee dalka, gaar ahaanna caasimadda Muqdisho.
Rooble ayaa faray dhammaan hay’adaha ammaanka dalka iyo Ciidamada AMISOM in si gaar ah loo adkeeyo amniga caasimadda oo lagu wado in ay martigaliso doorashada dalka.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo tan Madaxweynaha 11aad ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





