Dhuusamareeb(Halqaran.com) –Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa waxa uu soo xeray shir saacada badan qaatay oo looga hadlayay abaaraha kudhuftay deegaannada iyo degmooyinka Galmudug. Shirka ayaa waxaa ku sugnaa hay’addaha gaargaarka sida Qaramada Midoobay iyo hayadaha gargaarka ee kashaqeeya deegaannada Galmudug.
Shirka uu shir guddoominayay Madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxaa soo agaasimay Wasaaradda Gargaarka ee Maamulka Galmudug , waxaana Goobjoog ahaa shirkaan qaar ka mid ah Wasaaraha Dowlad Gobaleedka Galmudug, ayaga oo kulafo guray saameenta abaarta ay ku yeelatay Galmudug.
Hoggaamiye Axmed Qoor Qoor ayaa waxa uu sheegay in abaarta ay saameeysay dad gaaraya todobo boqol oo kun (700,000) oo qof, kuwaas oo ku sugan degmooyinka iyo deegaannada Maamulka Galmudug, iyadoo uu uga mahadceliayay howsha ballaaran oo ay wadaan Wasaaradaha Galmudug iyo hay’adaha gargaarka ee shirka qeybta ka ahaa.
“Qoor Qoor ayaa xusay in dadka xoolaha dhaqatada ay qaar uga udhinteen biya la’aan xoolahooda, halka intii soo hartana ay u taag waayeen maadaama aysan uhayn baad iyo biyaba, waxana Madaxwaynaha sidoo kale uu soo hadal qaaday in iskuullo gaaraya 50 oo hoostaga deegaanada Galmudug ay uxirmeen abaarahaha, sidaasna ay waxbarasho la’aan kusoo wajahday Ardaydii dhiganaysay.” Sida lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Galmudug.
Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa baaq u diray hay’adaha caalamiga ah, isagoo ugu baaqay in ay laba jibaaraan dadaaladooda ku aadan wax ka qabashada abaaraha xooggan ee saameeyay Galmudug, waxana uu si gaar ah ugu baaqay ganacsatada iyo dadka ka soo jeeda Galmudug, inay garab istaagaan dadka abaartu saameesay.
Dhanka kale Shirkaan ayaa ku soo aadaya xilli dalka ay ka jirto Abaar aad u baahsan oo dadka iyo duunyadaba Saameysay, deegaannad Qaar ee ka tirsan Dalka ayaa laga soo sheegayaa in ay Dad ugu dhinteen Haraad iyo Gaajo.
madaxwaynaha Galmudug ayaa sheegay in abaartu ay ka dhasheen cuduro ay kamid tahay Jadeecada, iyadoo suuragal ay tahay in cuduro badan ay kadhalan karaan xilli cunta la’aanta iyo biyo la’aantuba ay gaartay heerkii ugu sarreeyay, taas oo ubaahan wax kaqabasho degdeg ah, maadama ay Galmudug kow ka tahay deegaannada ay abaartu saameesay.


Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





