Monday, July 27, 2026
26.5 C
Mogadishu

Madaxweynaha DG KGS Cabdi Casiis Lafta-Gareen Oo Lakulmay Wafdi Ka Socday Qaramada Midoobay.

Baydhabo(Halqaran.com) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada ku-meel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socday Qaramada midoobay.

 

Wafdiga  ay hoggaaminaysay ku-xigeenka ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Kiki Gbeho ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa safarro dhowr ah ay ku tagatay dowlad goboleedyada dalka iyadoo ku kuur galaysa doorashooyinka iyo  Abaara jira.

 

Sido kale Kulanka Cabdi Casiis iyo Wafdiga  QM Waxaa  ka qeybgalay Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed, shirkaan  waxaa looga Hadlay arrimaha doorashooyinka golaha shacabka oo maraya heer gabagabo ah,iyo  amniga deegaannada Koonfur Galbeed  iyo Abaaraha saamaysay dadka iyo duunyada ee ka jirta deegaannada maamulka.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...