kismaayo (Halqaran.com)- Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxaa gaaray Guddigii uu Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay soo qiimeynta xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland Magaalada Garbahaareey.
Wefdiga uu Hoggaaminayo Guddoomiye Cumar Dhagey ayaa waxaa ku wehliniya safarka qaar ka mid ah guddiga uu Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabay kuwaas oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Maxamed Cawil Warsame oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddigaan.
Guddigan ayaa waxa uu ka kooban yahay 7 xubno kale, waxaa lagu wadaa in xubnaha ka dhiman ay tagaan Kismaayo maalinka barrito ah, iyagoo kadib sii amba qaadi doona howlaha horyaala ee loo igmaday, waxa ayna qiimeeyn kusoo sameeyn doonaan deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Magaalada Garbahaarey.
Ugu dambeyn Sida uu qorshahu yahay Guddiga ayaa waxaa lagu wadaa inay tagaan Garbahaarey, isla markaana ay kulamo kala duwan la yeeshaan Odayaasha dhaqanka, Maamulka iyo Waxgaradka, iyagoona soo qiimeyn doona xaaladda amni ee Magaaladaasi.



Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





