Saturday, June 20, 2026
26.5 C
Mogadishu

RW Rooble oo kulan la qaatay Safiirrada dalalka Turkiga iyo Qatar +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JF Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Qatar Mudane Mohmet Yelmez iyo Mudane Hassan Hamza oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dal kala dhexeeya Soomaaliya.

Kulanka ayaa arrimaha diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ay maalgalisay dowladda Qatar, isla markaana fulineyso shirkad laga leeyahay Tdalka urkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey dhabar adeyga howlwadeennada gacanta ku haya dhismaha waddada, isagoo uga tacsiyeeyay howlwadeennadii Turkida iyo Soomaalida ahaa ee ku geeriyooday falalkii argagixisadu ku doonayeen hakinta dhismaha waddadan muhiimka ah.

“Xilweyn ayay dowladdu iska saareysaa sugidda amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya waddadan, si aan loo dhibaateyn, argagixisaduna nagama horjoogsanayaan inaan dhammeystirno dhismaha waddadan halbowlaha u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka Caasimadda iyo gobolka Shabellaha Hoose” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Labada Danjire ee Turkey iyo Qatar ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista dhismaha waddadan iyo mashaariicda kale ee horumarineed ee ay ka wadaan Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...