Thursday, October 1, 2026
25.6 C
Mogadishu

RW Rooble oo Guddiyada doorashooyinka ku Canaantay Qaabka Ay doorashada ku socoto.

Muqdisho(Halqaran.com) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble oo habka fogaan aragga shir kula yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka, ayaa faray in ay ilaaliyaan hufnaanta doorashada iyo wadashaqeynta dhexdooda ah, si doorashada u noqoto mid lagu kalsoonaan karo.

Rooble ayaa sheegay in ay ceeb tahay cabashooyinka kasoo laabtay kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya taasi oo kahor imaaneysa ballamadii ay galeen sida uu hadalka u dhigay Maxamed Xuseen Rooble.

“Sida aad la socotaan cabasho ayaa soo yeertay, waa nagu ceeb, maalintii 1aad waad ogtihiin in aan alle idinku dhaarshay in aad howsha u gudutaan sida ugu saxsan waana iga ballanqaadeen balse maanta labada Dowlad-Goboleed ee Doorashadoodu aad qabateen waxaa kasoo yeertay Cabashooyin ” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

Kulankaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii ay kordheen cabashooyinka laga muujinayo doorashooyinka Golaha Shacabka ee laga bilaabay degaannada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Ugu Dambeytii Doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka dhacay Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed & Galmudug waxaa kasoo laabtay cabashooyin la xiriira hab maamulka Doorashada, Ergooyinka & Musharixiinta qudhooda.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...