Minnesota (Halqaran.com) –Haweeney Soomaali ah oo sida la sheegay Gowracday Will ay dhashay, waxaana faah faahin dheeraad ah laga helaya sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in Hooyadaasi ay Gowracdo Wiilkeeda.
Haweenayda oo magaceeda Lagu soo koobay fardowso Cabdullaahi ayaa qiratay dambiga sida ay sheegeen Sraakiisha Boolisku, waxaana sababta rasmiga ee ka dambeysay in ay falkaas ku kacdo lagu sheegay in Aabbihii dhalay Wiilka uu ku Inkiray, kadibna ay nolosha dhaafisay Saqiirka, sida laga soo xigtay Saraakiisha gacanta ku haya Kiiska.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Ciidamada ayaa waxaa lagu sheegay in ay xireen Fardowsa Cabdillaahi oo 26 sanno jira, laguna soo oogay dil darajadda labaad ah oo la xiriira dilka ay u guysatay wiilka yar ee ay iyaddu dhashay.
Maydka cunuga yar ayaa loo qaaday Xafiiska lagu baaro dembiyadda la xiriira dilka. Sidoo kale Fardowsaayaa la geeyay xabsiga Degmadda Stearns ee ku yaala magaaladda St. Cloud.
Dalka Mareykanka ayaa waxaa marar badan ka dhacay dilal loo geystay muwaaadidiin Soomaali ah, hayeeshee waxaa ku cusub in Hooyo ay disho cunug ay dhashay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





