Tuesday, July 28, 2026
25 C
Mogadishu

Rooble oo Madaxda maamul goboleedyada uga Baaqay in ay joojiyaan boobka doorashada.

Muqdisho(Halqaran.com) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kulan la yeeshay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Guddiyada kala hadlay xal u helista cabashooyinka la xiriira doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, taas oo soo gudbiyeen Musharaxiin sheegay in kuraastooda la boobay.

“Anniga ka Ra’iisul Wasaare ahaan ma aqbalaayi wax musuq-maasuq ah oo ay ku kacaan Guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer maamul Goboleed, marna kama yeeleyno inay ku milmaan Madaxda maamul Goboleedyada” ayuu yiri Rooble oo la hadlaayay warbaahinta.

Rooble ayaa faray Guddiyada in aysan ku milmin Madaxda maamulada, isla markaana ay ilaaliyaan madax banaanida doorashada, habraacyadii lasoo saaray, wuxuuna u sheegay in lagula xisaabtamayo wixii musuq-maasuq ah oo ay ku kacaan Guddiyada doorashada.

Hadalka Ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli ay taagan tahay cabasho xooggan oo laga muujinayo sida ay ku socoto Doorashada Golaha Shacabka ee BFS.

Ugu dambeyn Maxamed Xuseen Rooble ayaa Musharaxiinta ku tartameysa doorashada ugu baaqday in aysan cabashooyinka ay qabaan kusoo gudbin baraha Bulshada, isla markaana u gudbiyaan Guddiga Xallinta Khilaafaadka, si looga jawaabo cabashada.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...