Baydhabo(Halqaran.com) –Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Koofur galbeed ee SIET Yuusuf Cabdulqaadir Baafo, oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Baydhabo ayaa iska diiday warqadii ka soo baxay guddiga doorashad ee heer Faderaal FIET, taas oo lagu hakiyay doorashada kursiga #HOP103 ee uu cabashada ka keenay gudoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Waxaa uu sheegay in Guddoomiyaha FEIT wax sharciyad u heysan in uu kursigaas joojiyo qabashadiisa, waxaana uu caddeeyay in kursigaas doorashadiisa maainta berri ah ay qaban doonaan.
Waxaa uu sheegay in aysan qaadan doonin awaamiirka Guddiga doorashooyinka heer Federaal, islamarkaana ay leeyihiin doorashada, taasoo meesha ka saaraysa guddiga doorashooyinka heer Federaal.
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa cabasho ka gudbiyey kursiga HOP103 oo uu afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey, waxaana Guddiga doorashada KGS ay sheegeen in la qabanayo doorashadiisa kursiga.
Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa u muuqda kuwo dhegaha ka fureystay go’aankii Guddiga doorashada Federaaal ee FEIT ay ku hakiyeen in la qabto doorashada kursigaas oo cabasho ka gudbiyay Guddoomiye Jawaari.
Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa hakiyay doorashada kursigii dhawaan loo diiday in uu tartamo Gudoomiyihii hore ee golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





