Muqdisho(Halqaran.com) Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mohamed Hussein Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka UK ee Soomaaliya Kate Foster.
Kulanku intuu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Doorashooyinka.
Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday xoojinta xiriirka labada dal iyo habsami u socodkiisa, maadaama UK iyo Soomaaliya ay leeyihiin iskaashi dhinacyo kala duwan leh
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kala qeyb galay shirka Wasiirka cusub ee Amniga Abdullahi Mohamed Nur iyo Abdi Diirshe la Taliyaha Amniga ee RW Roble.
Kulankan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana Villa Soomaaliya ay ka taagan tahay xiisad u dhexeyso madaxweynaha i& ra’iisul wasaaraha, taas oo ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





