Sunday, April 26, 2026
31.2 C
Mogadishu

Fahad Yaasiin oo Maanta Dib Ugu Soo laabtay Magaalda Muqdisho

Muqdisho(Halqaran.com)   Agaasimihii hore ee Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ahna La-Taliyaha Amniga Madaxweynaha, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa waaberigii hore ee saaka oo talaado ah soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Fahad Yaasiin ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay diyaarad  qaas ah keentay garoonka Aadan Cadde, waxaana kadib kasoo galbiyey ciidamo gaar ah oo geeyey madaxtooyada.

Dhawaan ayay aheyd markii, diyaarad Turkiga ka soo qaadday Fahad Yaasiin ayaa saacado lagu xannibay caasimadda waddanka Jabuuti, waxaana dib loogu celiyay Turkiga.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dowladda Jabuuti ku eedeeysay inay ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiil la socday, ayna ka xun yihiin talaabadaas.

Qorshaha Fahad Yaasiin ayaa ahaa inuu ka qeyb-galo shirka golaha amniga qaranka, si uu ugu soo bandhigo warbixin la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil, balse shirka ayaa dib loo dhiga

Dhanka kale Imaatinka Fahad Yaasiin oo uu horay xilka uga qaaday Rooble ayaa ku soo aadayo, iyada oo Villa Somalia ay ka taagan tahay xiisad u dhexeysa madaxweynaha & ra’iisul wasaaraha.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...