Sunday, April 26, 2026
27.9 C
Mogadishu

R/W Rooble oo guddoomiyey shirka tiirka arrimaha bulshada(Wax Cusub)

Muqdisho(Halqaran.com) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirka tiirka Arrimaha Bulshada oo ay goob joog ka ahaayeen xubno kamid ah golahiisa wasiirada.

Shirka ayaa looga hadlay mashaariicda lagu horumarinayo arrimaha bulshada, iyadoo lagu soo bandhigay qorshaha la tacaalidda isbeddelka cimilada iyo dhismaha xarunta Qaran ee gurmadka deg degga ah.

Shirka Waxaa goob-jooog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Xukuumada kuwaasoo mashaariicdan si gaar ah uu taabanayo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu waday kulamo isdaba-jooga ah, waxaana  uu guddoomiyay Shirka Tiirka Dhaqaalaha Dalka.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu guddoomiyo shirarka tubaha kala duwan ee Xukuumaddiisa, iyada oo uu weli jiro khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...