Friday, April 17, 2026
27.9 C
Mogadishu

RW Rooble iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo kulan ku dhexmaray Madaxtooyada Mombasa

Mombasa (Halqaran.com) – Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya H.E. Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya ayaa Talaadadii maanta iyaga oo kala horkacayay wafdi oo ka kala socday labada dal waxa ay wadahadalo laba geesood ah ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada Mombasa.

Labada wafdi ayaa ka wada hadlay dhowr arrimood oo istiraatiiji ah oo danaha guud ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

Waxyaabaha looga hadlay kulankaasi waxaa ugu muhiimsanaa soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho.

Dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiixday Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) sannadkii 2015.

JCC kaas oo qeexayay baaxadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada sida ganacsiga iyo maalgashiga, gaadiidka, difaaca iyo amniga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...