Tuesday, March 17, 2026
27.2 C
Mogadishu

RW Roobe oo uga mahadceliyay Xildhibaannada Ansixinta Golaha Wasiirrada & Qorshaha XFS

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Golaha Shacabka horgeeyey xubnaha cusub iyo Qorshaha Golaha Xukuumadda ayaa xusay in barnaamijka Xukuumaddu ay saldhig u yihiin arrimaha hortabinta u leh dalka oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorashooyinka, adkeynta amniga, horumarinta caddaaaladda, dowlad-wanaagga, kordhinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay wadajir ugala shaqeynayso Dowladaha Xubnaha ka ah DF iyo shacabka Soomaaliyeed suggida aminga xilliga Doorashadda, Iyadoo laga amba-qaadayo go’aanadii ka soo baxay shirarkii Samareeb iyo midkii ka danbeeyey ee Golaha Wadatashiga Qaranku ay ku heshiiyeen Muqdisho, 17kii Sebtember 2020, laguna qeexayay qaabka doorashooyinka, ergooyinka, deegaan doorashada, qoondada haweenka iyo in ay doorashooyinku ay ku dhacaan waqtigooda.

“Xukuumadda oo kaashaneysa Dowladaha Xubnaha ka Ah DF, waxay dardar-gelinaysaa dadaallada dhammaystirka dib-u-eegista Qorshaha Amniga ee xilligan muhiimka ah. Waxa aan shaki ku jirin in fulinta qorshahan uu siin-doono shacabka, hay’adaha dowladda iyo ciidamada amnigu fursad ay si wadajir ah u sugayaan xasilloonida iyo nabadda dalka”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda iyo barnaamijkeeda, si ay u gutaan shaqooyinka adag ee laga sugayo, isagoo tilmaamay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada xadgudubyada ka dhanka ah qeybaha bulshada ee nugul.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...