Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

RW ku-xigeenka Mahdi iyo Amb. James Swan oo ka wada hadlay khilaafka Doorashadooyinka

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa uu kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimaha hortabinta u leh dalka oo ay ka mid yihiin arrimaha Doorashooyinka dalka ee uu muranka ka taagan yahay iyo Arrimaha kale.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan oo bilaabay in uu si kala gooni gooni ah ula kulmo saamileyda siyaasadeed ee dalka si uu ugala hadlay arrimaha khilaafka doorashooyinka.

Horay waxaa uu kulamo ula qaatay  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo Xubno kale, isaga oo kala hadlay xalinta khilaafka doorashada.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa dhowr jeer waxaa uu ugu baaqay saamileyda siyaasadeed ee dalka inay xal ka gaaraan Arrimaha doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...