Friday, May 1, 2026
28.9 C
Mogadishu

Ruushka oo dhoolatus militari ah ka bilaabay dalka Belarus

Belarus (Halqaran.com) – Ruushka ayaa 10 maalmood oo dhoolatus militari ah ka bilaabay dalka Belarus khamiistii, wuxuuna lix ka mid ah maraakiibtiisa kusoo xiray deked istaraatiiji ah oo ku taal Badda Madow, taas oo uu dhaleeceyn kulul kala kulmay saraakiisha Ukraine oo ku sifeeyay ficillada Moscow inay sii kordhinayaan xiisadaha gobolka.

Dhaqdhaqaaqa Ruushka ee Belarus ayay ka qaybqaatay kumannaan ciidamo ah iyo hub casri ah sida gantaalada S-400, kuwa difaaca hawada ee Pantsir system-ka iyo diyaaradaha dagaalka ee Su-35.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in lix markab ay gaareen dekedda Sevastopol ee gobolka Crimea, taas oo Moscow ay ka qabsatay Ukraine sannadkii 2014-kii. Maraakiibta Ruushka ayaa dejinaya ciidamada, gaadiidka iyo agabka kale.

Saraakiisha Moscow iyo Minsk ayaa sheegay in ciidamada Ruushku ay soo gabagabeyn doonaan dhoollatuska, ayna ka bixi doonaan Belarus kadib 20-ka February. Laakiin saraakiisha reer galbeedka ayaa weli ka baqaya in Ruushka oo duulaan ku ah Ukraine uu kusoo dhawaado isaga oo wata 100,0000 oo ciidan ah dal ay mar wada ahaayeen midowga Soviet.

Raisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa Khamiistii  u safray Brussels, si uu xaaladdan ugala hadlo Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg kahor inta uusan u ambabixin kulamo kale oo uu waddanka Poland kula yeesho hoggaamiyayaal kale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...