Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji, Taliyaha Cdanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa xaruunta Xabsiga Dhexe ugu soo xirey munaasabad qalin-jebin ah oo loo sameynayey maxaabiis heerar kala duwan oo dhameystey Waxbarasho ka kooban heerarka Waxbarashada kala ah dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Rajo.
Saraakiisha munaasabadda timid ayaa si wadar ah u wada muujiyey in micnaha saxda ah ee xabsiga aanu aheyn in dadka lagu ciqaabo, balse ay tahay in dadka lagu dhaqan celiyo, xirfadna lagu baro si ay u sameystaan fursad shaqo kadib marka ay dhameystaan mudada ay ku jiraan xabsiga iyo si ay fursad ugu helaan waxbarasho sare oo ay sii wataan.
Sido kale Dugsiga Rajo oo ku yaalo Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa ah mid ay horey uga faa’ideysteen maxaabiis badan oo ka bartay xirfado kala duwan, kuwaas oo haatan banaanka markay yimaadeen ku shaqeysta kana hela nolol maalmeedkooda.
Ugu dambeyn Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya iyo Taliska Asluubta ayaa uga wakiil ah dhaqan celinta Dadka lagu soo xiro xabsiga iyo darbi-jiifta si ay u helaan xuquuqdooda muwaadin, ayna ula falgalaan bulshada inteeda kale.




Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





