Monday, July 27, 2026
25 C
Mogadishu

Rooble oo kulan la qaatay wafdi ka socday IGAD.

Muqdisho(Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo uu hogaaminayay Xoghayaha Fulinta ee IGAD Dr. Workeneh Gebeyehu maanta soo gaaray magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta IGAD iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

 

Ra’iisul Wasaaraha  ayaa soo dhaweeyay hirgalinta Xarunta Sare ee IGAD ee u adkeysiga aafooyinka iyo ilaalinta deegaanka oo IGAD ay Muqdisho ka furatay. Xaruntu waxay taageeri doontaa hirgelinta qorshaynta khataraha cimilada ee dalalka gobolka ee ku bahoobay IGAD.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...