Muqdisho(Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin Amniga dalka, dardargelinta iyo hufnaanta doorashooyinka, diyaargarowga shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee 27-ka December ka dhici doona Muqdisho, wadashaqeynta hay’adaha dowladda iyo Gurmadka abaaraha.
Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe, oo kulanka golaha wasiirada kadib warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadii looga hadlay shirka, isagoona sheegay in R/wasaare Rooble uu hay’addaha ammaanka faray adkeynta ammaanka ee dalka
Sidoo kale Wasiirka waxaa uu sheegay in jiitanka doorashooyi ka uu sameeyay, dhaqaalaha dalka, noloshii dadka, maalgashigii, deeqihii Caalamiga ahaa iyo Shaqadii caadiga ahaa ee dowladda.
asaga oo hadalkiisa wata aya waxa uu yiri “Xaaladda Caafimaad ee soo laba kacleeyay oo heerkiisa seddexaad ee nasoo gaaray COVID-19 qeebtiisa Omicron waxaana leesla qaatay in guddiyadii Xukuumadda oo kashaqeyn jiray COVID-19 in dib lasoo celiyo si ay u qabsadaan shaqadooda”.
Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha amray in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka dalka oo waqtigii loo qorsheeyay dib uga dhacay.
Halqarannews@gmail.com





