Monday, July 27, 2026
25 C
Mogadishu

Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay abaabul ka dhan ah RW Rooble

Muqdisho(Halqaran.com) –Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al Cadaalla ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay  “daayacad lasoo abaabulay oo laga faafiyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble”.

Wasiir Al-Cadaala, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa xusay in ay hayaan caddeymo ku filan oo ah cidda soo abaabushay dacaayadahaas”.

 

“Waxaa runtii nasiib darro ah, in abaabulka dacaayadahaas loo adeegsaday saraakiil ciidan oo darajadii qaranka lebisan iyo qaar ka mid ah hey’adaha rayidka ah ee dowladda, Ra’iisul Wasaaraha oo u turaya dalka iyo dadka waxa uu go’aansaday in qaladkaas isla hey’adaha dowladda lagu dhex saxo,” ayuu yiri Al Cadaalla.

Dhinacyo uusan magacaabin ayuu ku eedeeyay in ay is-hortaageen shaacinta natiijada baaritaanka guddiga xaqiiqo raadinta ee eedeynta loo jeediyey wasiirka koowaad ee dalka Rooble.

“Waxaa lala socodsiinayaa cid kasta oo caadeysatay ku noq-noqoshada falalka ka baxsan sharciga oo dooneysa inay dano qaas ah ugu adeegto xafiisyada ay joogto, inay la kulmi doonto tallaabo anshaxeed iyo mid ciqaabeed oo ka jawaabeysa falalka ay ku kaceen,”

 

Sido kale waxa uu yiri  Al-cadaala“Raiisul wasaare Rooble Doorasho ayuu ka shaqaynayaa taas ayaa ah sababta loo soo abaabulay dacaayadaha ka dhanka ah, waxaana haynaa caddaymo ku filan abaabulkaas oo aan xilligeeda soo bandhigi karno” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta.

Ugu dambayn wasiir Cadaala ayaa sheegay in xukuumadda aysan wax badan ka qusayn arinta guddiga doorashada heer federal  ay xilka uga qaadeen gudoomiye Cirro.asaga oo xusay in ay leeyihiin xeerar ay isku maamulaan.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...