Friday, July 31, 2026
25 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyey Galmudug +(SAWIRRO)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Madaxda Dowlad Gobolleedka Galmudug masuuliyiin iyo dadweyne kale.

Safarkan uu ku yimid Ra’iisul Wasaare Rooble magaalada Dhuusamareeb ayaa qeyb ka ah socdaal uu ku marayay Dowlad Gobolleedyada oo diirradda lagu saarayay wadashaqeynta iskaashiga dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinnta adeegyda bulshada iyo qodobbo kale.

Mr. Rooble ayaa sheegay inta uu joogo deegaannada Galmudug inuu latashiyo kala duwan la sameynayo madxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loogu kaabo dowlad dhisidda iyo adkeynta isku xirka hay’adaha federaalka iy dowlad gobolleedka.

Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta diirran ee loo sameeyey, waxuna sheegay in Xukuumaddiisu ahmiyadda koowaad siinayo sidii bulshada loogu dhaweyn lahaa dowladnimada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gamil.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...