Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay safiirrada dalalka Nordic u jooga Soomaaliya, isaga oo kala hadlay Arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaalada Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha Amniga, Doorashooyinka, Horumarinta Dhaqaalaha, Dowlad wanaagga, Cadaaladda iyo nabad dhisidda Soomaaliya.
Dalalka la isku yiraahdo Nordic oo aad u farabadan ayaa waxaa ugu caansan dalalka, Sweden, Norway, Denmark, Finland iyo Iceland, waxaana kamid yihiin wadamada taageerada weyn siiya Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





