Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday Xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira +(SAWIRRO)

Qaahira (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku joogga dalka Masar ayaa Talaadadii maanta booqday Xarunta Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Xoghayaha Jaamacadda Carabta, Axmed Abulqeyd.

Xoghayaha Jaamacadda Carabta oo Ra’iisal Wasaare Rooble uga mahadceliyay booqashadiisa ayaa warbixin ka siiyay qaab howleedka Jaamacadda Carabta, isagoo ku soo wareejiyay qaybaha ay ka kooban tahay.

Axmed Abulqeyd ayaa Ra’iisal Wasaaraha ku ammaanay kaalintiisa hoggaamineed ee arrimaha doorashoiyinka iyo dib-u-heshiinta, isagoo ballanqaaday in Jaamacadda Carabtu ay taageero dhan walba ah la garab joogto Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta, isagoo tilmaamay in Somaliya oo xubin ka ah dalalka Jaamacadda Carabtu ay taageero dheeri ah ka fileyso walaalaheeda ku bahoobay Jaamacadda Carabta, gaar ahan xilligan muhiimka ah ee dalku galay doorashada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...