Wednesday, April 29, 2026
28.7 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Safar Ku tagay Degmada Balcad

Balcad(Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo u Tagay degmada Balcad ee Gobolka Shabelladha Dhaxe ayaa booqday Isbitaalka guud ee Balcad iyo qeybo ka mid ah magaalada oo ay ka mid yihiin buundada Iyo suuqa degmada Balcad.

Rooble waxaa  kormeerkiisa ku wehlinayay  madaxweynaha  Maamulka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen iyo Taliyaha Booliska Soomaaliya, taliyaha booliska Gobolka Banaadir, Taliyaha KMG ah ee NISA iyo saraakiil kale oo socdaalka qayb ka ahaa.

Wafdiga uu Rooble hoggaminayay  ayaa waxay ay la kulmeen maamulka iyo howl-wadeennada Isbitaalka, iyagoo kala sheekeystay baahiyaha halkaasi ka jira iyo sida ay howluhu u socdaan.

 

Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale soo indha-indheeyay Buundada dhexmarta Magaalada, isagoo u kuurgalay goobaha ugu halista badan ee uu fatahaadda ka sameeyo Webiga Shabeelle.

Degmada Balcad ayaa ka mid ah degmooyinka ugu Quruxda badan Maamulka Hir-shabelle  Waxay qiyaastii 36 kiiloomitir waqooyi bari ka xigtaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...