Friday, April 10, 2026
29.4 C
Mogadishu

Dowladda Somalia Oo Soo Bandhigtay Xogta Shidaalka Dalka (Maxay tahay Xoggtaasi)

Muqdisho (Halqaran.com) – Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya ayaa Magaalada Dubai ugu qeyb-galay Shirka Africa Oil Week 2021 oo Dowladda Imaaraadka Carabta ay Marti-galisay, kaas oo Maanta la soo geba-gabeeynayo.

Agaasime Maxamed Xaashi Carabeey oo uu wehliyo Gudoomiye xigeenka Hay’adda Batroolka Ee Soomaaliya Caa’isha Axmed ,Agaasimaha Waaxda Sharciyadda Batroolka Ee Wasaaradda Xuseen Cali Axmed iyo khubaro ka tirsan Wasaaaradda ayaa Shirka ku matalayay DFS, Sidoo kale Shirka waxaa ka qeyb-galay Khubaro Caalamka ka Socday, madasha ayaa laga sheegay in Soomaaliya ay tahay Dal hodan ku ah macdanta gaar ahaan Shidaalka.

Shirka Toddobaadka Shidaalka Afrika oo caadiyan lagu qabto waddanka Koonfur Afrika ayaa sannadkan loo wareejiyay magaalada Dubai, halkaas oo ay isugu tageen saraakiisha shidaalka ee dalalka Afrika, khubarada ku xeelka dheer arrimaha shidaalka iyo shirkadaha shidaalka soo saara. Taas oo sababtu tahay Karoona awgii.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigaa khayraadka shidaal ee dalkaas kastaa haysto iyo qorshaha uu ka leeyahay.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Maxamed Xaashi Carabeey oo Shirweymaha ka hadlay ayaa tilmaamay in DFS ay diyaarsay Sharciyadda hagaya Hay’adaha iyo Shirkadaha Doonaya in ay qeyb ka noqdaan Shirdaha doonaya Soo Saaridda iyo iib -geynta Shidaalka Dalkeenna.

Waxaan soo bandhigaynay sidii looga faa’iidaysan lahaa shidaalka soomaaliya oo aanu u soo bandhigaynay Dalalka kale ee Afrikaanka ah,” ayuu yidhi Carrabey.

Tiro shirkado ah oo kala duwan ayaa qayb ka ahaa baahistaas, sida oo kalena dawlado xiisaynayey in ay soo saaraan ayaa dhawr jeer soo muuqday, balse marna ma aysan hirgelin.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...