Muqdisho (Halqaran.com) –Guddiga doorashada ee maamulka Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada labada kursi ee Aqalka Sare, kuna harsan maamulkaasi.
War Qoraal ah ka soo baxay guddiga ayaa la sheegay in isla maanta ay billaabaneyso diiwaan-gelinta xubnaha musharrixiinta, doorashadana ay dhaceyso 13-ka bishan Novermber.
Sida kale Galmudug ayaa xalay soo saaray liiska 4 xubnood oo uu ku jiro Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, kuwaas oo u tartami doono labada kursi ee maamulkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





