Muqdisho(Halqaran.com) –Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Geeska Afrika Mr. Keith Hansen iyo wefdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunku ka fuliyo Soomaaliya iyo kuwa qorsheysan.
Ra’iisul Waaaaraha ayaa uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageeradiisa hay’adaha dowladda iyo horumarinta midaamka maaliyadeed ee dalka.
Bangiga Adduunka ayaa Soomaaliya waxaa uu ka taageeraa Arrimo dhowr ah, waxaana mas’uuliyiinta ka socota ay la kulmi doonaan Madaxda kale ee Dowladda Soomaaliya.
Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaanahan waday kulamo kala duwan oo ku aaddan doorashooyinka dalka,isagoo kulmo la qaatay qaar ka mid ah Saaxiibada Beesha caalamka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





