Baraawe (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Dadkii shalay Somaliland kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood, kuwaasi oo kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya
Rooble oo ka hadlaya tallaabadii lagu soo masaafuriyey dadkii Soomaaliyeed ee ku sugnaa magaalada Laascaanood, Ayaa waxa uu ku tilmaamay nasiib daro aad wayn iyo wax laga xumaado.
Rooble ayaa xusay in ayaan darro weyn ee tahay in dadka Soomaaliyeed ee Ganacsatada ahaa lasoo masaafuriyo, isla markaana waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha rajeeyay in dadka Magaalada Laascaanood ay ka dhii-dhiyaan falkaas la sameeyay.
Ugu Dambeyn Ra’iisul wasaaraha ayaa bulshada Laascaanood ugu baaqay in ay ka dhiidhiyaan oo ay ka hadlaa falkaas muwaadiniinta Soomaaliyeed looga soo saaray dhul Soomaaliyeed.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





