Baydhabo(Halqaran.com) – Wararka Aan ka heleyno Magaalada Baydhabo Ayaa shegaya rag hubeysan oo xalay weerar ku qaaday Bar koontarool oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in weerarka, kadib uu dagaal foolka fool ah ka dhacay halkaasi, kaas oo saacado kooban socday.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii uga yimid dhanka Shabaabka, isla markaana uusan jirin khasaaro ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





