Friday, May 1, 2026
28.9 C
Mogadishu

Ra’iisul wasaare Rooble oo u amba-baxay dalka Qatar Wax ka Ogow Ujeedka Safarkiisa.

Muqdisho(Halqaran.com) –Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo  wafdi uu hogaaminayo ayaa u dhoofay magaalada Doha ee dalka Qatar maanta  ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Xamad Al Thani

 

Ujeeddada booqashada Ra’iisul wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa ah sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Qadar.

Safarka R/wasaare Rooble ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu tagayo dalka Qatar, tan iyo markii loo Magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  17-kii Bishii September sanadkii 2020.kii

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa inta uu joogo Doha waxa uu kulan la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Khalid Bin Khalifa Bin Cabdulcasiis Althani.

Dowlad Qatar ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya iyadoo hadda ka wadda mashaariic horumarineed oo ay ugu weyn tahay dhisamaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo la dhammeeyay iyo sidoo kale Muqdisho iyo Jowhar ooh hadda ay howsheedu.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...