Sunday, May 24, 2026
30.9 C
Mogadishu

Qodobbo muhiim u ah Soomaaliya oo laga soo saaray Shirkii Jaamacadda Carabta ee Marooko

Marooko (Halqaran.com) – Kalfadhigii 38aad ee Wasiirada Cadaalada Ururka Jaamacadda Carabta uga socday Magaalada Ifran ee Boqortooyada Marooko ayaa laga soo saaray qaraaro muhiim ah.

Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud ayaa go’aanada la isla qaatay ku tilmaamay kuwa kusoo aaday xilligii loo baahnaa oo dawladda Federaalka Soomaaliya ay dagaal kula jirto Al-Shabaab.

Xasan Macallin Maxamuud Wasiirka Cadaaladda iyo garsoorka dalka oo warbaahinta dowladda kula hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay Shirkaas iyo muhiimada uu ulahaa Soomaaliya oo ka qeyb gashay.

Wasiirka ayaa sheegay in Shirka mudada uu socday lagu soo bandhigay barnaamijyo badan oo muhiim ah, isla markaana ay wasaaradu muhiimada ka abaari doonto isagoo intaa raaciyay in dowladda Soomaaliya lagu amaanay dadaalkeeda ka go’aanshaha hormarinta hay’adaha cadaaladda dalka.

Ugu dambeyn, dawladaha ku bahoobay Ururka ayaa iska kaashan doona dhismaha hay’adaha iyo shuruucda muhiimka u ah la dagaalanka iyo dambiyada abaabulan kuwaas oo Soomaaliya ka caawina doona talaabooyinka looga hortagayo dambiyada isaga talaaba wadamada iyo qaaradaha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...