Saturday, July 18, 2026
25.2 C
Mogadishu

Qarax ka dhacay Kenya oo Sababay dhimisho iyo Dhaawac AKHRISO.

Wajeer(Halqaran.com) – Wararka aynu ka heleyno qarax xoogan oo Maanta ka dhacay deegaanka Andaki ee koonfurta Gobolka Wajeer ee waqooyi bari ee kenya kaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.

 

Qaraxa ayaa waxaa lagu sheegay in uu  nuuca Miinada dulka lagu Aaso, ayaa waxaa uu haleelay Bas ay saarnaayeen dad Shacab ah, xili uu marayay deegaanka Andaki ee koonfurta Wajeer.

 

Inta la xaqiijiyay afar qof oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga ayaa ku geeriyooday qaraxaasi, halka tirro dad kalena ay dhaawacyo ka  soo gaareen, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalo, si loogu daaweeyo.

 

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan Booliiska Kenya oo goobta soo gaaray  ayaa qaaday dhaawacyada  oo ay geeyeen magaalada Wajeer, si loogu dabiibo halkaasi.

 

 

Qaraxyada ayaa ku soo badanaya Gobolka Waqooyi Berri Kenya, dhowan ayey aheyd markii qarax miino uu haleelay gaari Bas oo ku sii jeeday magaalada Mandheera, waxaana ku dhintay 13 ruux, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...