Saturday, July 18, 2026
25.2 C
Mogadishu

Lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu doortay magaalada Garoowe.

Garoowe(Halqaran.com) –Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Puntland ayaa Maanta Magaalada Garoowe waxaa ay ku qabteen doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay degaannada Puntland.

 

Doorashada Maanta ka dhacday Magaalada Garowe ee lagu doortay ilaa lix xubnood oo 3 kamid ah ahaayeen Dumar halka sedexda kalana ay ahaayeen Rag, Waxaa Goobjoog ka ahaa Xubno katirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada ee ka hawlgalaya Puntland.

 

Hop-192 oo ay horay ugu fadhisay Saciido Maxamed Xasan, waxaana Maanta ku guuleystay Maxamed Faarax Nuux oo helay 91 cod halka musharrixii la tartamayay ee Ruwayda Maxamuud Maxamed ay heshay 1 Cod , 2 Codna way xumaadeen.

 

HOP#094: waxaa ku guuleystay Sahra Cabdullaahi Cigaal oo heshay 87 cod, halka Fardowsa Maxamed Aadan ay heshay 3 cod, waxaana xumaaday 7 cod.

 

HOP#121: Waxaa ku fadhisay Canab Xasan Cilmi, waxaa ku guuleysatay Farxiya Yuusuf Cumar oo codeyn gacan-taag ah ku heshay 101 Ergo oo ah dhammaan xubnihii codeeyay maadaama ay tanaasushay Nimca Cabdi.

 

Hop-014 waxaa ku tartamay Daa’uud Cabdikariin Sheikh Cumar iyo Cabdirisaaq Axmed Xuseen, waxaa ku guulaystay Daa’uud Cabdikariin Sheekh Cumar oo helay 90 Cod halka Cabdirisaaq Axmed Xuseen uu helay 3 Cod, 7 Codna way xumaadeen.

 

 

Cabdiqani Maxamuud Maxamed ayaa ku soo baxay kursiga tirsigiisu uu yahay HOP#075 ka dib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay oo ahaa Axmed Cabdiraxmaan Cilmi, waxaana haa ugu codeesay 98 ruux, waxaana ka aamustay 2 halka ay uu diiday 1 qof, wadarta Ergada ayaa dhaneed 101, sida uu ku dhawaaqay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer DG SEIT Puntland.

 

 

Khadra Axmed Maxamed ayaa ku soo baxday kursiga tirsigiisu uu yahay HOP#174 ka dib markii ay nataasushay Leyla Cabdi Faarax, Eragada oo dhaneed 101 ayaa ogal ugu codeeyay Khadra, sida uu sheegay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer DG SEIT Puntlanad.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...