Saturday, July 18, 2026
26 C
Mogadishu

Turkiga Oo Ku Dhawaaqay Duqeymo Ka Dhan Ah Kurdiyiinta.

Ankara(Halqaran.com) –Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa maanta oo Arbaca ah sheegtay in diyaaradaha dagaalka  Turkiga ay duqeeyeen gooba ay ku sugnayeen maleeshiyaadka Kurdiyiinta, oo ay ku jiraan xeryo tababar iyo goobo lagu keeydiyo Rasaasta, oo ku yaalla Ciraaq iyo Waqooyiga Suuriya.

 

Dhammaan Diyaaradihii howlgalka ka qeyb qaatay ayaa dib ugu laabtay goobihii ay ka soo kaceen, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga, inkastoo wasaaraddu aanay ka war bixinin khasaaraha ka dhashay howlgalka.

 

War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa lagu sheegay in howlgalkan dhanka circa ah lagu beegsaday maleeshiyaadka Kurdiyiinta oo saldhigyo ku leh dalka Ciraaq iyo Suuriya, kuwaas oo uu Turkigu u arko kooxo Argagixiso ah.

 

Dhankeeda, waaxda la dagaalanka Argagaxisada ​ Ciraaq ayaa sheegay in Diyaaradaha Dagaalka Turkiga ay duqeeyeen dhowr  ay ka geeysteen dhawr goobood oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyada Kurdiyiinta ee PKK, iyaga oo tilmaamay in Weeraradaasi ay geysteen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Maleeshidaadka Kurdiyiinta.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...