Abu dhabi(Halqaran.com) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen ayaa weli booqasho rasmi ah ku jooga Magaalada Abu dhabi ee Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta, isagoona halkaasi ka wada kulamo kala duwan.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Abu Dhabi kula kulmay hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo hay’adaha samafalka ee dalkaas oo uu kala hadlay sidii gargaar deg deg ah loola soo gaari lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.
Saraakiisha Hay’adaha uu la kulmay ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in gurmad deg deg ah ay la soo gaaraan Bulshada Soomaaliyeed, iyaga oo kaashana dowlada Imaaraadka Carabta.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay Dhaxal sugaha Abu Dhabi Sheekh Maxamed Bin Zaayid Ala Nahyaan doorka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaareen Shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa kamid ah Wasiirada waxbarashada, Amniga iyo xubno kale, ayaa waxaa ay sii wadi doonaan kulamo kala duwan oo ay la qaadanayaan Madaxda dowlada Imaaraadka Carabta.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





