Tigray (Halqaran.com) – Tedros Adhanom Ghebreyesus, madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka dhawaajiyay xanuunkiisa gaarka ah ee ku aaddan xaaladda gobolka Tigray ee Itoobiya, isagoo ku calaacalay in uusan la xiriiri karin, waxna u qaban karin eheladiisa oo la dhibaateysan gaajo iyo macluul.
“Waxaan halkaas ku leeyahay qaraabo badan, waxaan rabaa inaan lacag u diro, laakiin lacag uma diri karo, way gaajoonayaan, waan ogahay ma caawin karo,” ayuu Tedros u sheegay suxufiyiinta ku sugan xarunta Ururka Caafimaadka Adduunka ee Geneva.
“Ma caawin karo iyaga, ma caawin karo… gabi ahaanba waan kala go’annahay,” ayuu yiri.
“Xitaa ma garanayo kan dhintay iyo kan nool.” ayuu raaciyay.
Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan caafimaadka, oo qudhiisu kasoo jeeda Tigray, ayaa dhalleeceeyay wuxuu ugu yeeray “arxandarrada aan la qiyaasi karin” ee lagu hayo lixda milyan ee dadka deggan gobolka waqooyi, oo si wax ku ool ah looga jaray adeegyadii aasaasiga ahaa muddo ku dhow laba sano.
Wuxuu ku tilmaamay Khamiista, in ” xannibaad cuna-qabateyn ah oo heysata nolosha dadka Tigreega aysan kaliya aheyn rasaas ama bam, laakiin insida hubkii loo isticmaalay bangiyada, shidaalka, cuntada, korontada iyo daryeelka caafimaadka.”
Hadalkiisa ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii ay dib u bilowdeen dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Itoobiya iyo jabhadda Tigreega, kaas oo meesha ka saaray xabbad-joojin muddo shan bilood ah socotay, isla markaana mugdi geliyey rajada nabadda.
“Waa wax laga xumaado in la arko dib u soo laabashada iskahorimaadka socda, laakiin dhab ahaantii, dagaalku waligiis ma joogsan,” ayuu yiri.
Tedros waxa uu tilmaamay in xitaa intii lagu jiray xabbad-joojinta, gobolku uu ahaa mid go’doonsan oo ay yaraatay helitaan cunto iyo dawooyin, wuxuuna ku celceliyay baaqiisa ah “in dib loo bilaabo adeegyada muhiimka ah, lana joojiyo xannibaadda.”
Wasiirkii hore ee caafimaadka iyo arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa ku adkaystay inay shaqadiisa tahay in uu ka walaaco waddan kasta oo ay ka jiraan xaalado caafimaad.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com