Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Qaramada Midoobay oo ka digtay markale Xaalad macluul oo ka dhacda Somaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Qarammada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in cunnada adduunka ee la gaarsiiyo Soomaaliya ay tahay sababta keliya ee keentay in uu yaraado xaaladaha qatarta ah oo ay wajihi lahaayeen dadka Soomaaliyeed.

Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xaaladdu ay aad u liidato, dalkuna uu hadda ku jiro tartan quus ah oo ka dhan ah waqtiga si looga hortago cunno yari, isagoo la halgamaya afar xilli roobaad oo baaqday oo isku xigta tan iyo dhammaadkii sanadkii 2020 iyo sanadkii shanaad oo socda.

Sidoo kale, Hay’adda WFP ayaa waxa ay ka digtay in haddii dunidu ay xaqiijiso cunto yaraan si rasmi ah loo sheego ka hor inta aan la qaadin tallaabo ay horay aheyd in loo qaado ay keeni karto dhibaatooyin kale.

“Soomaaliya gabi ahaanba kama aysan bixin khatarta weli. Waxaan aad uga walaacsanahay xaaladda ba’an ee dalka ka jirta, waxaana ku jirnaa tartan quus ah oo ka dhan ah waqtiga,” Maareeye ku xigeenka WFP ee Soomaaliya Laura Turner ayaa u sheegtay wariyeyaasha ku sugan Magaalada ee dalka Switzerland.

Hay’adda cunada Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP ayaa sheegtay haddii xaaladdu ay sii xumaato ay dhaceyso macaluul la saadaaliyay ka hor dhammaadka sanadkan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...