
Garowe (Halqaran.com) – Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa lagu wargeliyay Maamulka Gobolka Nugaal, in Wasaaraddu ay xirtay Xafiiskii Guddiga Doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku lahaa Garowe, laga bilaabo maanta oo ku beegan 6 February 2020.
Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu wargeliyay dhammaan Guddoomiyaasha gobollada iyo Degmooyinka Puntland, in ilaa iyo amar dambe Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, aysan wax shaqo ah ka qaban Karin Gobollada iyo Degmooyinka Puntland.
Hadda halka hoose ka akhriso war-saxaafadeedka:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






