Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

Puntland oo boggaadisay doorka hoggaamineed Ra’iisal Wasaare Rooble ee xilliga kala guurka

Garoowe (Halqaran.com) – Puntland ayaa garab istaag u muujisay Ra’iisal Wasaaraha XF Soomaaliya, Maxame Xuseen Rooble, xilli uu soo ifbaxay mad madow kala dhaxeeya Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxtooyada Puntland ayaa boggaadisay doorka hoggaamineed Ra’iisal Wasaare Rooble ee xilliga kala guurka, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliya la leedahay adduunka.

War qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa u qornaa “Dowladda Puntland waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble, Hoggaaminta Dalka ee muddada kala guurka ah, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliya la leedahay adduunka.

Dowladda Puntland waxay mar kasta aaminsan tahay sareynta sharciga, sida ku cad qodobka 4-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah.”

Puntland ayaa noqonaysa maamulkii ugu horeeyay ee ka hadla khilaafka siyaasadeed ee ka soo kordhay Villa Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...