Friday, April 17, 2026
27.8 C
Mogadishu

Odayaal dhaqameedyadii qaatay Amarkii Al-Shabaab oo lagu xiray Baydhabo

Baydhabo (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaaladda Baydhabo ee maamulka koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegaya, in ciidamadda ammaanka ee magaaladaas ay xabsiga dhigeen tiro Odayaal dhaqameedyo iyo Ergadii soo xushay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo qaatay amarkii Al-Shabaab.

Xubnaha la xiray ayaa ka soo laabtay deeganadda Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ay maamulaan, kadib markii ay iska soo diiwaan galiyeen.

Sarkaal ka tirsan booliska Maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Odayaasha ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamadda Booliska magaaladda Baydhabo, iminkana ay ku xiran yihiin Saldhiga magaalada Baydhabo.

General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed ayaa Jimcihii la soo dhaafay sheegay in Odayaasha Dhaqanka iyo Ergada u tagtey maleeshiyaadka Al-Shabaab, ay tallaabo ka qaadi doonaan marka ay ku soo laabtaan Baydhabo.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...